Madaxweynaha dalka oo xariga ka jaray Shidaal loo dhoofinayo dibadda

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta si rasmi ah xariga kaga jaray shidaal laga soo saaray dowlad deegaanka Turkana oo loo dhoofinayo dibadda.
Kenya ayaa doonaysa inay dhoofiso 200,000 oo ah foostooyin shidaal oo qiimo ahaan lagu qiyaasay 1.3 bilyan oo shilin.
Shirkadda laga leeyahay ingiriiska ee Tullow ayaa in muddo ah ku howlaneyd baaritaano dhanka shidaalka oo ay ka sameynaysay Turkana.
1-dii bishan sideedaad ee sannadkan ayay ahayd markii hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu sheegay in Kenya ay heshiis la gashay shirkad shidaalka soo saarto in kastoo uunan faahfaahin dalka loo iibgeynayo.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa si adag uga hadlay musuqmaasuqa isagoo fariin gaar ah u diray shaqaalaha dekadda Mombasa.
Mr. Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday in qof waliba oo si aan habbooneyn u adeegsado kheyraadka dadweynaha loogu adeego laga qaadayo tallaabada sharciyeed ee uu mudan yahay.
Madaxweynaha ayaa sido kale hoggaamiyaasha siyaasadeed ugu baaqay inay meesha ka saaran hadalada ay isdhaafsanayaan oo ayna ka wada shaqeyaan horumarka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here