Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa kulamo la yeeshay madaxweynaha Somalia Moxamed Abudllahi Farmajo iyo dhigiisa Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ay yeesheen madaxdan ayaa waxaa garwadeen ka ahaa madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi.
Madaxda qaaradda Africa aya ku kulmay shirka 74-aad ee qaramada Midoobay kaasi oo ka furmay magaalada New York ee dalka maraykanka.
Hogaamiyaasha Africa ayaa inta ay ku guda jireen kulamadooda waxaa ay ka wada hadleen danaha qaarad Africa iyo caqabadaha hortaagan .
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi sida uu isugu soo dhaweeyay madaxda kale .
Mr Kenyaatta ayaa sheegay in Kenya ay mar walba doonayso inay sameyso wadahadal si loo xoojiyo wada noolanshaha qaarada Africa.
Madaxweynaha Dalkani Kenya iyo dhigiisa Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo ayaa kulan gaar ah yeeshay kaasi oo ay uga wada hadleen xaaladda hadda ka taagan labada dal ee dariska ah.
Kulanka ay yeesheen waxaa soo qaban qaabiyay Madaxweynaha dalka Masar ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika Abdel Fattah El-Sisi .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here