Madaxweynaha dalka Ukraine oo dalbaday Magdhaw diyaaradii ay soo riday Iran

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay inuu rajeynayo baaritaan buuxa,iyo in mag dhaw laga siiyo diyaaradii ay qiratay inay soo riday Iran.
Hadalka madaxweynaha ayaa yimid saacado ka dib markii Dowladda Iran ay xaqiijisay in Ciidanka kacaanka Iraan ay soo rideen Diyaaradii dhawaan ku dhacday dalkaasi ee Ukraine Airlines ka dib markii ay shaki ka muujiyeen in ay duqeyn rabto Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Iran.
War saaka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay u dhawaatay xero milatari oo xasaasi ah waxaana loo dejiyay khalad bini’aadanimo awgeed, sidaana waxa sheegay Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee jamhuuriyada Iran.
Dowladda waxay qiratay in diyaaradda lasoo riday oo Khaladkaasi ay gashay dowladda Iran.
Iran ayaa horey u diiday warar sheegayay in diyaaradda ay soo dhacday ka dib markii uu haleelay gantaal ay Iiraan riday.
Diyaarad nooceedu yahay Boeing-737 oo ay saarnaayeen ku dhawaad 180 qof oo ku burburtay meel aan ka fogeyn caasimadda Iran ee Tehran ayaa waxa la shaaciyey halka ay ka soo jeedaan rakaabkii saarnaa.
• 82 Iran
• 63 Canada
• 11 Ukrain, oo ay ka mid yihiin shaqaalaha diyaaradda.
• 10 Sweden
• 4 Afghanistan
• Saddex u dhalatay German

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here