Madaxweynaha Donald Trump oo isbitaal la dhigay xilli maamulihiisa doorashada laga helay Covid-19

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa loo wareejiyay Xarunta Caafimaadka Walter Reed, oo ah isbitaal militari oo ku yaal Bethesda, Maryland, si loogu daaweeyo kaddib markii laga helay cudurka COVID-19.
Aqalka Cad ayaa sheegay inuu dareemayo “daal laakiin niyaddiisu ay aad u sarrayso” uuna la kulmayo astaamo khafiif ah.
Warkan ayaa imanaya bil uun ka hor doorashada madaxtinimada, halkaas oo uu ku wajihi doono Joe Biden oo ka tartamaya xisbiga Dimuqraadiga.
Dhanka kale maamulaha ololaha doorashada ee Donald Trump, Bill Stepien, ayaa asna laga helay cudurka coronavirus.
Afhayeenka ololaha doorashada ee Trump Tim Murtaugh ayaa xaqiijiyay warkan, oo markii ugu horeysay ay tabisay majalada Politico.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here