Madaxweynaha Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya oo farriin u diray Hay’adaha Samafalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen, ayaa ka qeyb galey Xuska Munaasabada Maalinta Qoxootiga Adduunka oo Maanta Lagu qabtey Magaalada Baydhabo,
Waxaana soo qaban qaabisey Munaasabada Hay’adda Qaxootiga Adduunka UNHCR,iyadoona ay ka soo qeyb galeen Wasiiro, Maamulka Degmada Baydhabo,Saraakiisha Ciidamada AMISOM , Madax ka socota UN-ka iyo Mas’uuliyiinta Hay’adda UNHCR,
Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ,oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeen Hambaliyo u direy Dhamaanba qaxootiga Adduunka meel waliba ay joogaan ,isagoona u Mahadceliyay Hay’adda Qaxootiga Adduunka Shaqooyinka wanaagsan ay ka qabteen Deeganada Koonfur Galbeed ,
Madaxweyne C/Casiis ayaa waxaa intaasi uu ku darey in dib u dajin loo sameeyo Qoysaska dib ugu soo laabanaya,Deeganadooda, isagoona Madaxweynaha Hay’adda Qaxootiga Adudunka UNHCR kula dar daaramay in ay sii laba jibaaraan howsha Wanaagsan ay ka wadaan Konfur Galbeed Soomaaliya si nolasha xun ay uga baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here