Madaxweynaha Faransiiska oo balanqaad u sameeyay Ciraaq

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron oo maanta safar ku tagay caasimadda dalka Ciraaq ee Baghdad ayaa balan qaaday inuu tageero buuxda ah siin doono dowladda dalka Ciraaq.
Macron ayaa ah madaxweynihii ugu horeeyay ee Ciraaq ku tago safar rasmi ah tan iyo markii bishii shanaad ee sannadkan uu ra’iisul wasaaraha dalkaas Mustafa al-Kadhimi soo dhisay xukuumad cusub.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in caqabadaha ugu weyn oo ay Ciraaq wajahayso ay tahay kooxda ISIL iyo faragalin shisheeya.
Waxaa uu socdaalka Macron imaanaya xilli Ciraaq ay wajahayso saameyn dhaqaale oo ka dhalatay cudurka COVID19.
La taliyaha ra’iisul wasaaraha Ciraaq Husham Dawood ayaa safarkan ku tilmaamay mid aad muhiim u ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here