Madaxweynaha Faransiiska oo booqday Beirut

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa taageero u muujiyay dowladda Lubnaan iyo shacabka wadankaas ka dib markii magaalada caasimada ah ee Beirut Lubnaan uu ka dhacay qarax xoogan oo ay ku nafwaayen in ka badan 157 ruun ayna ku dhaawacmeen 5,000 oo qof.
Madaxweyne Macron ayaa sheegay in dhibaatada dalka Lubnaan ay sii socon doonta hadii aysan dib u habeyn ugu sameyn hogaamiyaasha wadanka ay musiibadu ka dhacday Lubnaan.
Dambi baarayasha ayaa wali ku howlan inay ogaadaan sababta keentay in magaalada Beirut uu ka dhaco qarax intaasi la eg.
Baarayaasha Lubnaan ayaa xooga saaraya suurtagalnimada ah inay jirto habacsanaan ay sameyeen shaqaalaha dekada halka dowladda wadankaasi ay amartay in xabsi guri la galiyo saraakiisha dekadda.
Golaha wasiirada Lubnaan ayaa ku dhawaaqay laba todobaad oo xaalad deg deg ah, iyadoona mas’uuliyada amni ee magaalada Beirut lagu wareejiyay militariga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here