Madaxweynaha Faransiiska oo casuumay dhigiisa Ruushka

Madaxweynaha dalka Faransiiska Mr. Emmanuel Macron ayaa dhigiisa wadanka Ruushka, Vladimir Putin caasumaad u fidiyay.
Labadan mas’uul ayaa la filayaa inay wada hadalo yeeshaan 19 –ka bisha xigta ka hor inta uunan qabsoomin shirka wadamada ku midoobay dalladda G7 oo ah toddobada dal ee dunida ugu horreeya dhanka warshadaha
Wadamadan ayaa kala ah Canada, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Japan, ingiriiska iyo Maraykanka.
Shirka wadamada G7 ayaa la qorsheeyay in la qabto inta u dhexeysa 24-26-ka bisha sideedaad ee sannadkan.
Mr. Macron ayaa xusay in Putin uu kula kulmi doono Bregancon oo u dhow tuulada Bormes-les-Mimosas ee dhanka Mediterranean-ka xeebta Faransiiska si ay uga wada hadlaan arrimo ay dani ugu jirto dalalka ay hoggaamiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here