Madaxweynaha Faransiiska oo gaaray Ciraaq

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa safar ku tagay caasimadda dalka Ciraaq ee Baghdad
Macron ayaa ah madaxweynihii ugu horeeyay ee Ciraaq ku tago safar rasmi ah tan iyo markii bishii shanaad ee sannadkan uu ra’iisul wasaaraha dalkaas Mustafa al-Kadhimi soo dhisay xukuumad cusub.
Hoggaamiyaha Faransiiska ayaa la filayaa inuu kulan la qaato al-Kadhimi iyo dhigiisa Barham Salih.
Waxaa uu socdaalka Macron imaanaya xilli Ciraaq ay wajahayso saameyn dhaqaale oo ka dhalatay cudurka COVID19.
La taliyaha ra’iisul wasaaraha Ciraaq Husham Dawood ayaa safarkan ku tilmaamay mid aad muhiim u ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here