Madaxweynaha Faransiiska oo ra’iisul wasaaraha Ingiriiska kala hadli doono qorshaha Brexit

Madaxweynaha dalka Faransiiska ,Emmanuel Macron ayaa la filayaa in toddobaadyada soo socdo uu ra’iisul wasaaraha cusub ee ingiriiska Boris Johnson ,kala hadlo ololaha loogu magacdaray Brexit ee ay Britain ugu jirto inay isaga baxdo midowga Yurub.
Mr. Macron ayaa Mr. Johnson ku casuumay wadankiisa si ay arrinkan uga wada xaajoodaan.
Bayaan ka soo baxay madaxtooyada looga arrimiyo Faransiiska ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha ingiriiska uu magaalada Paris safar ku tagi doono toddobaad kaddib.
Waxaa qoraalka qeyb ka ah in labadan mas’uul ay shalay wada hadleen iyadoo kulanka ay yeelan doonaan uu diiradda saarayo dalaabka Britain ay u bandhigayso midowga Yurub ee ku aaddan inuu heshiis jiro ka hor inta aynan ka bixin.
Mr. Boris Johnson oo dhawaan la doortay ayaa wacad ku maray inuu ka dhabeyn doono ololihii ay wadday Mrs. Theresa May .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here