DHAGEYSO:Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore oo Salaada Janaasada ku tukaday Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehliyaan masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan iyo Axsaabta siyaasada Soomaaliya yaa ka qeyb galay salaadda janaasada meydka AUN RW hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga.
Marxuumka ayaa dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga, halkaasoo lagu daweynayay,kadib xanuun haleelay,waxaana ugu dambeyn Maanta laGeeyay Magaalada Muqdisho si loogu Aaso Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal.
Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasada waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.
Meydka marxuumka ayaa diyaarad u qaaday magaalada Garoowe halkaas oo lagu aasi doono maanta waxaa ka qeyb galaya aaskiisa guddoomiyaha Aqalka sare,Ra’iisul Wasaare kheyre iyo Madaxda Maamul goboleedyada oo garoowe ku sugan.
Sidoo kale Salaada Janaasada ee lagu dukaday meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb-galay Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran gaar ahaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa goobta Salaada Janaasada ka hadlay qaar ka mid ah Masuuliyiintii ka qayb galay waxayna dhamaantood ku sifeeyeen halyay intuu noolaa Qarankiisa hagar la’aan ugu soo shaqeeyay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhankooda waxay gaareen magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal,kuwaasoo kuwaasoo ka baxay Magaalada Dhuuamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Xubno kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada,Xubno ka tirsan labada Gole ee Puntland iyo mas’uuliyiin kale.
Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Xubnaha la socda ayaa waxay Magaalada Garoowe uga qyeb-geli doonaan Aaska qaran ee halkaasi Maanta loogu sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Garoowe waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda Maamulka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Garoowe.
AUN marxuum Xassan Abshir faarax Ra’isulwasaarahihii hore ee Soomaaliya ayaa ahaa qof lagu sifeeyo dal Jacayl iyo u shaqaynta qaranka wuxuuna mudadii uu howlaha qaranka ku jiray soo qabtay xilal kala duwan.
Masuuliyadaha kala duwan ee uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa gudoomiyihii iyo duqii Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho,Xildhibaan Qaran,Wasiir iyo Ra’isulwasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya 12-kii bishaan ayuuna ku geeriyooday Magaalada Ankara ee Caasimada dalka Turkiga waxaan Maanta lagu aasayaa Magaalada Garowe ee Caasimada Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here