Madaxweynaha Farmaajo oo sheegay in uu jeclaan lahaa in Ciidamada Mareykanka ay sii joogaan Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in Ciidamada Mareykanka ay sii joogaan Soomaaliya, kaddib hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Trump ee ahaa in Ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya.
Shabakadda ka faaloota Arrimaha Ganacsiga ee bloomberg.com ayaa daabacday in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u sheegay in uu jeclaan lahaa inay sii joogaan ciidamada Mareykanka, isagoo intaa ku daray inuu rumeysan yahay in dalkiisa oo kaashanaya Mareykanka uu qarka u saaran yahay inuu ka adkaado dagaalyahannada Al-Shabaab.
“Runtii waan ku qanacsanahay taageerada Mareykanka, waana ku faraxsanahay waxa Mareykanka uu qabtay, waxaana jeclaan lahaa inaan aragno ciidamada oo sii joogaya illaa iyo inta ay howsha ka dhaceyso 100%,” ayuu yiri Madaxweyne farmaajo oo khadka taleefanka kula hadlay isagoo jooga Muqdisho.
Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa fuliya howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab haba ugu badnaadaan duqeymo dhinaca cirka ah iyo tababaro ay siiyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here