Madaxweynaha Filibiin oo amray in la toogto dadka jabiya xayiraadda jirta

Madaxweynaha dalka Filibiin ,Rodrigo Duterte ayaa digniin adag u diray shakhsiyaadka dafiro xayiraadda lagu xakameynaya faafitaanka Coronavirus.
Waxaa uu xusay in qofkii aan amarka dowladda u hoggaansamin la toogan karo.
Khudbad qaran oo uu Duterte jeediyay ayuu ka sheegay inay lagama maarmaan tahay in cid kasta ay Dowladda kala shaqeyso xal u helidda dhibaatada caalamka ka taagan.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in muwaadin kasta ay mas’uuliyad ka saran tahay inuu gurigiisa isku karantiilo oo uunan ka soo bixin.
Amarka madaxweynaha Filibiin ayaa imaanaya iyadoo wadankaas laga diiwaan geliyay 96 dhimaso oo la xiriirta cudurka Covid19.
Waxaa sido kale halkaas laga xaqiijiyay 2,311 kiisas ah .
Mr. Duterte ayaa shacabka Filibiin u sheegay in xaalladda ay sii xumaanayso oo ayna Khasab tahay inay raacaan amarrada iyo talooyinka Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here