Madaxweynaha Galmudug & kuxigeenkiisa oo deg deg ugu laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye qoor qoor iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay dib ugu laabteen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Labada mas’uul iyo Xubno la socday ayaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb waxaa kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Maxamed Gacal & qaar kamid ah Golaha Wasiirada Galmudug iyo Maamulka Caasimadda.
Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa in uu ka warbixiyo Shirkii GO’aanka looga gaaray Arrimaha doorashooyinka ee ka qabsoomay Muqdisho iyo shirar kale oo uu ka qeyb galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here