Madaxweynaha Galmudug oo Baydhabo Gaaray

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo kusoo dhoweyey wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.
Wafdi oo ka yimid dhinaca Magaalada Dhuusamareeb, ayaa halkaas u tegay ka qeybgalka Shirka iskaashiga iyo wadatashiga maamul Goboleedyada Hirshabeele,Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo goordhow Magaalada Baydhabo ka furmaya.
Madaxda Maanta shirka ku yeelanayo Magaalada Baydhabo ayaa isla maanta waxaa laguw adaa inay gaaraan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyagoona kulan gaar ah la qaadan doono Safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya iyo Xubno kale oo ka tirsan Beesha Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here