Madaxweynaha Galmudug oo booqanaya Xerooyin Ciidan.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa inuu Maanta booqasho ku tago degaanka Docol 40 Km u jirta Magaalada Gaalkcyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Madaxweynaha oo todobaadkaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa halkaasi uga baxaya safar dhinaca dhulka ah,waxaana sidoo kale uu booqan doonaa Xerada Ciidamada ee Indha-qaris oo ah goob loo asteeyey in lagu xareeyo Ciidankii iyo Hubkii Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug ay kala wareegtay Beelaha dega Gobolka Mudug.
Diyaar garoow xoogan ayaa ka socda degaanka docol,iyadoo la arkayay dadweyne farabadan oo u sii diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha Galmudug iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee halkaa Booqana.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Maamulka degaanka Docol iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada,isagoo ka dhageysan doona warbixin la xiriirta baahiyaha ay qabaan dadka deegaankaas ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here