Madaxweynaha Galmudug oo khudbad ka jeedinaya aqalka sare

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Maanta kulan la yeelanaya Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare Soomaaliya.
Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlaya arrimaha doorashooyinka qaranka ,marxaladda kala guurka ah ee uu dalka maraayo , iyo is xog wareysi guud oo ku saabsan wax yaabihii golaha u qabsoomay mudadii ay xilka haayeen .
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi ayaa ku wargaliyay Guddiga joogtada ah ee aqalka Sare inay soo xaadiraan kulanka Maanta loo balansan yahay oo uu madaxweynaha Maamulka Galmudug hortagayo sidoo kalena uu khubada ka jeedinayo.
Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo Madaxtooyada oo ay horay ugu eedeeyeen inuu Madaxweynaha Soomaaliya sida ay hadlka u dhigeen Sharciga baalmaray.
Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa horay Khudbado ugu jeediyeen golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya waxaana Wali magaalada Muqdisho ku sugan dhamaan hoggaamiyeyaasha Maamulada dalka Soomaaliya ka jira kuwaasoo lagu wado inay Xal kama danbays ah ka gaaraan khilaafka Doorashada ka taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here