Madaxweynaha Galmudug oo Kormeeray Xarunta loo dhisayo Madaxtooyada

Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug ayaa Kormeeray Xarunta loo dhisayo Madaxtooyada.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Kormeer & Indha-Indheyn ku tegay Xarumaha loo dhisaayo Madaxtooyada iyo Afar Wasaaraddood oo kala ah; Maaliyadda, Qorsheynta, Arrimaha Amniga, iyo midda arrimaha Gudaha.
Madaxweynaha ayaa goobta waxa ku soo dhaweeyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud & Guryeynta Mahad Xasan Yusuf oo ka warbixiyey Mashruucaan.
Mashrucaan oo ay iska kaashanayaa Dowladda Galmudug iyo Hay’adda SSF ayaa madaxweynuhu daahfuray 10-kii Maarso ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here