Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Shabaab & Burcad Badeed

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ku sugan degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa halkaasi waxaa uu kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab iyo Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida oo degaano kamid ah maamulka Galmudug ka howlgeli jiray.
Waxaa uu sheegay in Magaalada Hobyo iyo degaannada hoostaga laga sheegayay inay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Kooxaha Burcad Badeeda Soomalida,hayeeshee Galmudug aysan aqbaleyn ,isla markaana ay ula dagaalami doonaan sida Al-Shabaab.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa intaasi ku daray in bulshada ku nool Gobolka Mudug looga baahan yahay inay noqdaan kuwo ilaashada amnigooda Maamulkiisuna uu diyaar u tahay inay la dagaalamaan Al-Shabaab iyo cid kasta oo lidi ku ah amniga Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here