Madaxweynaha Galmudug oo ku wajahan Magaalada Balanbal.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay Maanta gaaraan Magaalada Balanbale ee Gobolka Galgaduud Bartamaha Soomaaliya.
Madaxweyne Qoor Qoor oo socdaal ku marayay degaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa xalay waxaa uu ku hoyday Magaalada Xeraale ee isla gobolkaasi Galgaduud,waxaana qorshuhu yahay in Gelinka dambe ee Maanta uu tago Magaalada Balanbale ee Waqooyiga gobolka Galgaduud.
Wafdiga Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaay xalay kulamo kala duwan la qaateen Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada,waxaana isagoo la hadlayay Bulshada degaankaas uu sheegay inay ku guuleysteen sugida amniga degaankooda.
Ammaanka Magaalada Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta aad loo adkeeyay,waxaana deganaakaasi gaaray wafdi horudhac u ah safarka Madaxweynaha Galmudug uu Maanta Halkaas ku tagayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here