Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Hogaamiyaha Ahlusuna

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Madaxtooyada maamulkiisa ee Magaalada Dhuusamareeb wuxuu ku qaabiley hoggaamiyaha Guud ee Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ku maanay hoggaanka Ahlusunna sida ay u muujiyeen tanaasulka iyo ka shaqeeynta dib u heshiisiinta dadka ku nool deegaannada Maamulka Galmudug maadaama horay uu u jiray khilaaf sababay gacan ka hadal oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.
Hoggaamiyaha Guud ee Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin la Shaqeynta Madaxda Maamulka Galmudug,isla markaana ay talooyin ku darsan doonaan horu u socodka maamulka halkaas ka jira.
Dagaal socdey in ka badan 24 Saacadood oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sabab in Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay la wareegaan Xarunta Inji oo aheyd fariisinka weyn ee hoggaanka Ahlusunna,hubkii iyo Ciidamadii ay haysteen hogaanka Ahlusunna,waxayna shalay ku dhawaaqeen inay gabi ahaanba ka tanaasuleen arimaha siyaasada ee deegaanada maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here