Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Ismaaciil Geele

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle.
Kulankaan oo ka dhacay qasriga madaxtooyada ee Jabuuti ayay madaxda uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.
Madaxweynaha Galmudug waxaa ku wehliyay shirkaan wasiirada Amniga, arrimaha gudaha,gaadiidka iyo masuuliyiin kale.
Dhanka kale waxaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku wehliyay kulankaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaadiidka, maareeyaha Guud ee dekadaha Jabuuti iyo Danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa shalay gaaray Magaalada Djabuuti, halkaasi oo uu tagay arimo la xariira dhismaha dekedda Hobyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here