Madaxweynaha Galmudug oo Turkiga Gaaray

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaarie (Qoor Qoor) ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga,iyaga oo ka ambabaxay Magalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Masuuliyiinta soo dhaweysay ayaa waxaa ka mid ah safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga safiir jaamac , safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Turkiga Bishaar ugaas , guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadankaTurkiga sheekh Maxamed, Ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaalada stanbul,ardayda iyo bulshada qeybaheyda kale duwan ee halkaas ku sugan.
Madaxwayne Qoor Qoor waa safarkiisii ugu horayay ee uu ku tago dalka Turkiga tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug,waxaana la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Turkiga masuuliyiin dalkaas ka tirsan iyo Hay’ado kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here