Madaxweynaha Galmudug oo war kasoo saaray Nabadoon la dilay

Madaxweynaha maamul goboleedka soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa war ka soo saaray nabadoon xalay la dilay.
Waxaa uu marka hore tacsi u diray Bulshada Reer Gaalkacyo iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo xalay ay rag hubeysnaa ku dileen Koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha ayaa Suldaanka ku tilmaamay inuu ahaa nin qiimo badan oo aad uga shaqeeyay nabada magaalada Gaalkacyo kana mid ahaa dadkii Galmudug wax ka dhisay.
Waxaa uu alle uga baryay naxariistiisa iyo inuu jano geeyo intii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.
Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Bulshada ku nool magalada Gaalkacyo in ay meel kaga soo jeestaan dadka cadawga ku ah jiritaankooda iyo noloshooda.
Madaxweyne Xaaf ayaa intaas ku daray in kooxaha argagixisada aysan rabin in magaalada Gaalkacayo ay ka jirto nabadgaliya buuxda isagoo dadweynaha ku baraarujiyay in cid walba ay masuul ka tahay ka shaqeynta amniga magaalada Gaalkacyo.
Dhanka kale wararka saaka laga helayo koonfurta magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo ka wadaan Ciidamada Ammaanka Magaaladaas, kaddib dilkii xalay loo gaystay suldaanka oo ka mid ahaa ergadii soo xushay Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Rag hubeysan ayaa fiidkii dilkan fuliyay kaddibna goobta ka baxsaday.
Ciidamada xasilinta ayaa lagu soo warramayaa inay waddooyinka waaweyn iyo xaafadaha qaar ee Koonfurta Magalada ka wadaan howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka Nabadoonka.
Bilihii u dambeyay waxaa uu hoos u dhac ku yimid sugidda ammaanka magalada Gaalkacyo,waxana lagu dilay Laba Sarkaal oo ka kala tirsanaa Nabadsugida Galmudug iyo Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here