Madaxweynaha Galmuudg oo la kulmay Saraakiisha Ciidanka Ahlusuna.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” oo uu wehliyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad ayaa kulan gaar ah la qaatey Saraakiishii Ahlusunna Waljamaaca ee Horaantii todobaadkan Sheekh Shaakir uu wareejiyay.
Kulankan ayaa looga hadlay kaalinta Ciidamadan ay ka qaadan karaan howsha sugida amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo Arrimo kale.
Saraakiisha oo ka kooban dhamaan laamaha Ciidamada qalabka sida ayaa balan qaadey in ay diyaar u yihiin adeecida madaxda Galmudug iyo gudashada waajibaadka qaran ee laga sugayo.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa dhankiisa Saraakiishan ku booriyay in ay sii wadaan kaalinta laga sugayo ee ah ka qayb ahaanta dowladnimada iyo ka miro dhalinta yoolka ah in si wadajir ah looga saaro deegaanada ku jira Al-Shabaab.
Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa kulan casho ah la yeeshay xuno ka socday hay’adaha u xilsaaran dhammeystirka Dastuurka KMG ee Soomaaliya, oo shalay gaaray Magaalada Dhusamareeb.
Munaasabaddaan casho sharafta ahayd oo ka dhacday Madaxtooyada Galmuudg, Waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, Guddoonka Golaha Barlamaankaas, iyo xubana kamid labada Gole ee Galmudug.
Munaasabadaas waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Dastuur Soomaaliya, Guddoomiyaha Guddiga la socodka, dib-u- eegista iyo hirgelinta dastuurka, & Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaana sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay la shaqyanta gudiga Dastuurka si ay u soora gasho in dastuurka la qabyo tiro sida ugu dhaqsiyaha badan.

Hay’adaha Dastuurka Soomaaliya ayaa Maalmaha ay joogaan Dhuusamareeb, la tashi la yeelan doona hay’adaha dowliga ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada iyagoo ka dhageysan doona taladooda iyo aragtidooda ku aadan dib u eegista dastuurka qabyadaha ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here