Madaxweynaha Hir-Shabeelle Waare oo gaaray Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka anbabaxay Magaalada Beledwyene ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan Galmudug.
Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamul goboleed ee Shirka halkaasi uga furmaya Madaxda Dowlad Goboleedyada u gaara Dhuusamareeb.
Dhinaca kale Ciidamo ku hubeysan Afar gaari oo kuwa dagaalka ah oo kamid ah Ilaalada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ka amba baxay Magaalada Beledweyne, iyaga oo ku sii jeeda Magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here