Madaxweynaha Hirshabeelle oo amray in Gacanta lagu soo dhigo kooxdii dishay wasiirkii beeraha maamulkaasi

Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani oo xalay Kooxo hubeysan ku dileen Magaalada Jowhar Xilli uu ka baxay Masaajid uu ku dukaday Salaada Cishaha.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale cambaareeyay dilka wasiirka, wuxuuna Tacsi uu u diray Shacabka, gaar ahaan,qoyskii,Caruurtii ,eheladii, iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumka, samir iyo iimaana inuu Allah ka siiyo, waxaana uu alle uga baryay inuu ka waraabiyo Janatul Fardowsa.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa amray hey’adaha amaanka inay si deg Deg ah u soo qabtaan Kooxdii Ka dambeeysay Dilka wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani.
Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa Mudane ka Tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle waxaana uu ka mid noqday dabayaaqadii 2016-kii oo xiligaa la aas aasay Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle.
13-kii bishaan ayuu Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare Xilkaan u magacaabay wasiirka Xalay Jowhar lagu dilay kadib markii uu xilkii ka qaaday wasiirkii hore ee Beeralaha iyo Waraabka Maamulka hirshabelle waxaana la dilay isgoobn Xilkaas haynin wax todobaad dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here