Madaxweynaha Hirshabeelle oo shaqada ka joojiyay Masuuliyiin amar Jabisay

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qaaday tallaabo uu Shaqada uga joojiyey Wasiiru dowle ka tirsan maamulkiisa iyo Guddoomiye maxkamadeed oo lagu eedeeyey inay jebiyeen Amar ku saabsan ka hortegida faafitaanka Cudurka Coronavirus,kaas oo Maamulka kasoo baxay.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaqadi looga joojiyay Wasiiru dowlihii Wasaaradda Dastuurka Hirshabeelle Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sh/Dhexe Cali Cabdulle Nuur,kuwaasoo lagu eedeeyey inay jebiyeen amarkii lagu joojiyey isku imaatinka dadka,isla markaana si Sharci darro ah ay ku daahfureen Goob ay dad badan isugu yimaadeen.
Sidoo kale Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa la faray inay soo gudbiyaan War qoraal ah oo ay uga warbixinayaan tallaabooyinka ay qaadeen.
Madaxweyne Waare ayaa noqdey mas’uulkii ugu horeeyey ee sameeyey tallaabo aan horay loo arag ee Shaqada looga joojiyey Mas’uuliyiin jebiyey Amar soo baxay oo ku saabsan Cudurka COVID-19 ee hada saamaynta weyn ku haya dalal ay Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here