Madaxweynaha Hirshabelle oo dowlada dhexe kala hadlay Fatahaadaha Beleweyne.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta Cudurka Safmareenka ah ee COVID19,kaasoo looga hadlay arrimaha dhowr ah.
Kulanka oo u qabsoomay hab muuqaal Internetka ah sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo aysan gudiyada hal meel isugu imaan Karin ayaa waxaa markii ugu horeeysay ka qeyb galay Madaxweynaha Maamul goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare,wuxuuna ka hadlay arrimaha fatahaadaha iyo ka hortagga COVID-19 ee deegaanada Maamulkiisa.
Madaxweyne Waare ayaa Guddiga siiyay Warbixino la xiriira sida ay u socdaan xaalaha gurmadka fatahaadaha iyo ka hortagga Cudurka,waxaana uu Dowladda dowlada ka codsaday inay ku garab siiyaan Maamulka la tacaaliada xaaladaha ka jira deegaanada Hir-Shabeelle.
Xubnaha guddiga oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxaay sheegeen in Xukuumadda Soomaaliya ay ku garab taagan tahay Maamulka Hir-Shabeelle dadaalada loogu jiro la tacaalida xaaladaha fatahaadaha iyo Cudurka COVID-19.
maamul goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa uu kamid yahay Maamul goboleedyada xiriirka wanaagsan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe,waxaana dhawaan ay dowladdu ku wariijisay lacag wax looga qabanayo xaaladaha fatahaadaha taasoo ay ku deeqeen dowladaha taageera Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here