Madaxweynaha Iiraan oo ka digay in dagaalka dalalka Azerbaijan iyo Armenia uu isku rogo mid goboleed

Madaxweynaha dalka Iran Xasan Rouhani ayaa ka digay halista colaada ee u dhaxeysa dalalka Azerbaijan iyo Armenia inay isku rogi karto dagaal goboleed.
Labada waddan ayaa dagaalkooda waxa uu salka ku haya deegaanka Nagorno-Karabakh oo si rasmiya uga mid ah Azerbaijan balse waxaa maamuula qowmiyad asal ahaan ka soo jeedda Armenia.
Hadal uu ka jeediyay Telefishinka dalkaasi ayuu madaxweyne Rouhani yiri “Waa inaan ka feejignaano in dagaalka u dhexeeya Armenia iyo Azerbaijan inuusan noqon dagaal goboleed, nabadda ayaa aasaas u ah shaqadeena waxaana rajeyneynaa in xasilloonida gobolka lagu soo celiyo qaab nabadeed.
Wuxuu dhanka kale sheegay in Iran aysan oggolan doonin in dowladaha ay argagixiso u soo diraan xuduudaheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here