Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo u hambalyeeyay orodyahan Kenyaan ah oo ku guulaystay tartanka London 2019-ka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa qoraalo ay soo dhigeen baraha ay bulshada ku wada xariirto waxay ugu hambalyeeyeen oroyahanka dalka u dhashay ee Eliud Kipchoge oo ku guulaystay tartanka LondonMarathon2019-ka.
Madaxweynaha dalka ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu boogaadinayo kooxda Kenya halkaasi ku matalaysa gaar ahaan Eliud Kipchoge, Brigid Kosgei iyo Vivian Cheruiyot maadaama guulo kala duwan ay soo hooyeen.
Waxaa uu Mr. Kenyatta sheegay inay tahay wax lagu faano in orodyahaanada ay kor u qaadeen calanka dalka.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Eluid Kipchoge ku ammaanay inuu firfircooni muujiyay taasi oo sii xoojisay magac uu horay dunida ku yeeshay.
Guusha uu soo hooyay Eliud Kipchoge ayaa noqonaysa midii afaraad oo ku aaddan orotankaasi.
Mr. Kipchoge ayaa ka badiyay Mosinet Geremew iyo Mule Wasihun oo udhashay Itoobiya waxaa uuna orotanka ku soo dhameeyay 2 saac, laba daqiiqo iyo 38 ilbiriqsi.
Kipchoge oo 34 sano jir ah sanadkii horena rikoor cusub ka dhigay Orotankii Berlin, ayaa tartamada London horay ugu guulaystay sannadihii 2015, 2016 iyo 2018 –kii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here