Madaxweynaha Koobfur Galbeed oo sheegay Xiliga dib loo furayo Xarumaha waxbarashada.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdi Casiis xasan Maxamed (laftagareen) ayaa ka hadlay heerka waxbarasho ee xilligaan ay Marayaan deegaano ka tirsan koonfur Galbeed inkastoo Goobaha waxbarashada ay Wali xiran yihiin.
Madaxweyne laftagareen waxaa uu sheegay in horaanta Bisha Luulyo ee soo socota dib loo furi doono Iskuulada ku yaalla deegaanada Koonfur Galbeed,kuwaasoo markii hore loo xiray sababo la xiriira Cudurka COVID-19, si loo qiimeeyo dhalaanka loona bilaabo qaadista Imtixaanaadka Fasalka Sideedaad .
Madaxweynaha Koonfur Galbeed wuxuu sheegay in meelo kamid ah deegaannada Maamulkaasi gaar ahaan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool heerkeeda wax barashadu aad u liidato,balse Koonfur Galbeed ay baaris ku sameyn doonto waxna laga qaban doono dhibaatada dhanka Tacliinta ah gobolkaas ka Jirta.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis xasan Maxamed (laftagareen) ayaa waxaa uu weli ku sugan yahay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, isagoo halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo dadka deegaanka waxgaradka iyo maamulka intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here