Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo cadeeyay Mowqifkiisa doorashada.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa soo bandhigey mowqifkiisa ku aadan doorashada soo socota ee lagu wado inay dalka Soomaaliya ka dhacdi dhamaadka Sanadka 2020 ilaa horaanta 2021.
Isagoo Wareys siinayey Telefishinka Somali-Cable ayuu sheegay in mowqifkiisa uu yahay in 4.5 wax lagu doorto ilaa iyo inta la sameynaayo Tirakoobka guud ee dadka Soomaaliyeed,isla markaana doorashooyinkii horey dalka uga dhacay la sii qurxiyo sida uu Tilmaamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here