Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Gaaray Magaalada Diinsoor

Waxaa barqonimadii Maanta gaarey degmada Diinsoor ee Gobolka Baay wafdi uu hogagaminayo Madaxweynaha Maamul goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen), iyadoo halkaasi ay ku soo dhaweeyeen dadka deegaanka.
Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Diinsoor iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas ayaa Garoonka Diyaaradaha degmada Diinsoor kusoo dhaweeyey Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen).
U jeedada Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu tegay degmada Diinsoor ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada koonfur Galbeed waxaay ku sheegeen sidii uu kaga qeyb geli lahaa Xaflad lagu Caleema saarayo Maamulka Cusub ee degmada Diinsoor oo dhawaan la doorteen.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Madaxweynaha koonfur Galbeed inta uu ku sugan yahay degmada diinsoor uu halkaasi ka dhagax-dhigi doono mashaariic horumarineed oo laga fulinaayo degmadaas.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Cali Xassan ayaa shaqo joojin ku sameeyey agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdiwahaab Cali Mursal.
Qoraal kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Koonfur Galbeed lana ogeeysiiyey Madaxweynaha KG iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaraddaasi ayaa waxaa xilkii looga qaadey Agaasimihii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Koonfur Galbeed.
Sababaha xilka qaadista Agaasimaha ayaa waxaa lagu sheegay xil gudasho la’aan iyo inuu dayacay howlo Shaqo oo Siminaar ahaa kuwwasoo loogu diray dalka dibadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here