Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay iskaashiga maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa ka hadlay ahmiyadda uu labada maamul ee Koofur galbeed iyo Hirshabeelle u lahaa shirkii iskaashiga ee lagu soo gabagabeeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Madaxweynah Lafta Gareen ayaa sheegay in wxyaabo badan oo ay horay balan qaadeen aysan Wali qaban balse ay warkasya ka go’an tahay inay sii laba jibaaraan howlaha ay u hayaan bulshada wuxuuna dhanka kale Fahfaahin ka bixiyay shirkii labada maamul ugu soo gabagaboobay Magaalada Baydhabo oo looga hadlayay arimaha quseeya.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka warbixiyay muhiimadii uu lahaa shir magaalada Baydhabo ay ku yeesheen dhawaan madaxda Hirshabeelle iyo Koofur galbeed isagoo xusay inuu qayb weyn ka qaadan doono wadashaqaynta maamulada iyo dowlada dhexe iyo sidoo kale in la hormariyo dadka deegaanadaasi ku sugan.

14-kii bishaan oo ku beegnayd Maalinkii Talaadada ee aan ka soo gudubnay ayuu shir ugu furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay Maamulada Hirshabeelle iyo koonfur Galbeed waxaana looha hadlay iskaashiga labada maamul ee dhinaca amniga gaar ahaan la dagaalanka Al shabaab,hormarinta deegaanada maamuladaasi iyo ka Hortagida Fatahaadaha Wabiga shabelle ee mara gobolada Hiiraan,shabeellada dhexe oo ka tirsan Hirshabeelle iyo gobolka Shabeellada Hoose oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga Koofur Galbeed iyo Xubno Midowga Yurub ka socday waxaana ka qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya,labada maamul,qaar ka mid ah Safiirada Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo xubno kale.
Shirkaan ayaa noqonaya midkii ugu horayay ee ku saabsan iskaashiga labada dhinac oo ay yeeshaan labada maamul waxaana dhanka kale uu qayb ka qaadanayaa inay si wada jir ah wx uga qabtaan dhibaatooyinka Soo laa-laabta sanadkasta oo fatahaada wabiga shabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here