Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku baaqay in Dagaalka AL-shabaab loo midoobo.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa si kulul uga hadlay qarixii ismaadaaminta ahaa ee khasaaraha badan dhaliyey kana dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Muqdisho.
Madaxweyne Lafta Gareen Wuxuu sheegay in halkaasi dadka lagu xasuuqay ay dhamaantood ahaayeen dadkii ugu fiicnaa bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka,isla markaana ay ka dambeeyeen Al-Shabaab oo uu sheegay inay ujeedadoodu tahay bartilmaameedsiga Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan
Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/ciis Xassan Maxamed Lafta gareen ayaa intaasi ku daray in loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba u midoobaan dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab si looga badbaadi dhibaatooyinka dhankooda ka imaanaya.

Hadalka Madaxweynaha Koobfur Galbeed ayaa ku soo aadaya ayadoo 28-kii bishii hore eek u beegnayd Sabtidii aan ka soo gudubnay hal mar in ka badan 100 qof oo shacab ah ay AL-shabaab ku dileen Isgoyska Ex-Kontrol Afgoye kadib markii ay halkaas ku weerareen Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay.
Wararka aan ka helayno Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaaa sheegaya in saaka ay Xiran yihiin qaar kamid ah wadooyinka ugu muhiimsan iyadoo la filayo in saacadaha soo socda uu Magaalada muqdisho ka dhaco banaanbax uu soo qaban qaabiyey Maamulka Gobolka Banaadir.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xirey wadooyin ay kamid yihiin,agagaarka Taalada Dajirka Daahsoon, wadada ka baxda Suuqa Beerta ee aada dhinaca wadada Maka Almukarama,wadada ka baxda Isgoyska Ceelgaabta ee aada dhinaca Isgoyska Xamar jajab iyo wadooyin kale,kuwaasoo loo diidaayo inay Gadiidka noocyadiisa kala duwan isticmaalaan.
Sababaha wadooyinka Magaalada Muqdisho Maanta loo xirey ayaa waxaa lagu sheegay in saacadaha soo socda Xerada tababarka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Janeraal Kaahiya lagu qaban doono banaanbax looga soo horjeedo Ururka Al-Shabaab laguna Muujinayo sida looga xun yahay qarixii dhawaan ka dhacay Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalin ka hor iclaamiyey banaanbaxaas oo la filayo inay ka qeyb galaan Madax ka tirsan dowladda Federaalka,ururada dhalinyarada Gobolka Banaadir iyo dadkashacabka ah eek u nool degmooyinka Magaalada Muqdisho.
Ammaanka guud ee Magaalada muqdisho ayaa aad loo adkeeyey tan iyo qarixii Ex-koontorool Afgooye ka dhacay,waxaana xalay qeybo kamid ah degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir ay Ciidamada Dowladda ka sameyeen howlgaloo baaritaano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here