Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la hadlay boqolaal ciidan ah oo shabeellada dhexe loo diyaariyay.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Maanta wuxuu booqday Ciidamo ka tirsan booliska Koonfur Galbeed oo lagu tababarey Magalada Muqdisho.
Ciidamadaan oo gaaraya 400 oo Askari kana tirsan Booliska Koonfur Galbeed,ayaa lagu tababarey Xerada Tababarka ciidamada ee Booliska Soomaaliyeed ee Janeraal Kaahiye ee Magaalada muqdisho,waxayna ka howlgeli doona deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose.
Kormeerkaan ayaa waxaa Madaxweyne laftagareen ku wehlinayey taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Xasan Maxamed Xijaar,waxaana uu kula dardaarmey Ciidamada inay waajibaadkooda u gutaan sidii loogu talo galaye ayagoo raacaya sharuucda dalka u degsan.
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa sheegay in Ciidamadaan ay ka howlgeli doonaan Gobolka Shabeellaha Hoose gaaran ahaan deegaannada dhawaan laga saarey Ururka Al-Shabaab,isagoo sheegay in qalabkooda loo dhameystiri doono.
29-kii Bishii December ee sanadkii hore 2019 ayaa waxaa ciidamadaan tababar muddo u socdey loogu soo xirey xerada tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho,waxaana dhawaan la geyn doono Gobolka Shabeellaha Hoose si ay shaqooyinkooda u bilaabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here