Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay bulshada Waajid.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo ku sugan degmada Waajid ee gobolka bakool ayaa kulamo la qaatay Maamulka Gobolka Bakool iyo kan degmada Waajid.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii Maamulka gobolku u dardar gelin lahaa howlaha Shaqo ee ay u hayaan Bulshada Gobolka Bakool iyo wax ka qabashada dhibaatooyin ay wajahayaan dadka deegaanka.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool iyo kan degmada Waajid ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed kaga mahad celiyay dadaalka uu ku bixiyey mashaariicdii uu ka dhagax-dhigay Waajid iyo deegaannada kale ee Gobolka Bakool.
Ugu dambeyn Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa u sheegay mas’uuliyiinta kala duwan in Maamulka Koonfur Galbeed inuu wax ka qaban doono dhibaatooyinka kajira Gobolka oo ay ugu weyn yihiin god’oonka degmooyin ka qaar ay saareen dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Dhanka kale Taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Cabdi Xamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in taliska Ciidanka xoogga dalka uu dib u dhis ku sameyn doono Ciidamada qeybta 60aad ee ka howlgalla deegaannada maamul goboleedka Soomaaliyeed Koonfur Galbeed si ay amniga u xaqiijiyaan. Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada ku sugan Koonfur Galbeed ay noqon doonaan kuwo hormuud u noqda howlgalada Ciidamada xoogga dalka,isla markaana fuliya howlgallada deegaanno badan looga saarayo ururka Al-Shabaab.
Taliska Ciidamada Lugta Soomaaliyeed oo Magaalada Baydhabo kula hadlayaya Cutubyo ka tirsan Ciidank Xoogga ayaa intaa ku daray in dhawan howlgallo kala duwan laga bilaabi doono deegannada Koonfur Galbeed si tuulooyinka wali ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab looga saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here