Madaxweynaha Maamulka Puntland oo amniga deegaanada maamulkaas

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Amniga deegaanada maamulkaas, gurmadkii fataahadda degmada Qardho iyo xanuunka Coronavirus saamayntiisa deegaanada maamulka Puntland.
Madaxweyne Deni wuxuu bogaadiyey howlgalkii Ciidamada amnigu Maamulka Puntland shalay ka sameeyeen Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari kaasoo lagu fashiliyey weerar ay koox argagixiso lagu tilmaamay soo maleegtay.
Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ka hadlay arrimaha gurmadka Magaalada Qardho iyo sida uu u socdo Kadib markii todobaadyo ka hor Magaaladaas ay ku rogmadeen daadad aad u xoggan oo Sababay dhimasho dad iyo burbur Hantiyadeed.
Wuxuu u mahadceliyey dhammaan cidkasta oo ka qeyb qaadatay gurmadka, guddiyadii iyo dhinacyadii kale duwanaa ee ka shaqeynayey howlaga samatabixinta shacabka reer Qardhood.
Halista xanuunka Covid-19 ayuu Madaxweynaha Puntland bulshada uga digay, wuxuuna ugu baaqay dadka inay qaataan fariimaha iyo talooyinka ay bixinayaan Hay’addaha Caafimaadka qaabilsan ee looga hortagayo saamaynta cudurka iyo faafitaankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here