Madaxweynaha Maamulka Puntland oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, iyaga oo ka ambabaxay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ku soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu tagay Dhuusamareeb, isaga oo hormariyay qaar kamid ah Ciiidamada kamid ah ilaaladiisa,kuwaas oo ka qeyb qaadan doona sugida amnigiisa.
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana sido kale gaaray Madaxweynaha Jubbaland si uu u furmo Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here