Madaxweynaha Maamulka Puntland oo gudi u magacaabay Xaalada Qardho

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,oo shalay Safar Deg Deg ah ku Tagay Magaalada ay Mashaqadu ka dhacday ee Qardho ayaa Magacaabay gudi gaar ah oo Loo xilsaaray Xaalada halkaas ka Taagan kuwaasoo ka howl gali doona Gurmadasha dadku ay u baahan yihiin.
Warka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in isagoo madaxweynuhu ka duulaya saamaynta ballaaran ee ay yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho,oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac ballaaran uu Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaada Degmadda Qardho.
Guddigaan oo ka kooban 24 Xubnood ayaa laga soo xalay Xubnaha Golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Puntland,kuwaasoo bilaabo doona howlo loogu gurmanaya Shacabka Khardho,waxaana ay kala yihiin.
1. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka oo gudiga gudoomiye u ah waxaana sidoo kale xubno ak ah Wasiirka Maaliyadda.Wasiirka Ganacsiga,Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska,Wasiirka Deeganka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda,Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha,Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka,Wasiirka Caafimaadka,Wasiirka Tamarta, Biyaha iyo Macdanta,Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska,Agaasimaha ee Guud Hay’adda HADMA.General Khalif Ciise Mudan La taliyaha Madaxweynaha,Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland,Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi, Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye,Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre,Siyaasi Cali Abdi Awaare,Guddomiyaha Gobolka Puntland u taqaano Karkaar oo Magaalada Qardho ay ka tirsan tahay,Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar,Guddomiyaha Degmada Qardho,Sh. Fu’aad Maxamuud Nuur oo Culimada gobolka ka mid ah.Jaamac Salaad Maxamed (Dhagadheere) oo isna Ganacsatadda ka mid ah,Axmed Cabdi Hurre iyo
Maxamed Caydiid Jaamac Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here