Madaxweynaha maamulka Puntland oo la kulmay Safiirka Maraykanka.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa Maanta gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Safiirka Dowlada Maraykanka u qaabilsan dalka Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto waxaana sidoo kale wafdigaas qeyb ka ahaa Taliyaha ciidamada Maraykanka ee ka howlgala qaarada Africa Africom Janeraal Stephen J. Townsend.
Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso kusoo dhaweeyey Xubno ka tirsan Wasiirada Maamulka Puntland,iyayadoo ugu dambeyn la geeyey Xarunta Madaxtooyada Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Wararka aan ka helayna Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Xarunta Madaxtooyada uu ka socdo kulan u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni iyo Xubnaha wafdiga Maraykanka,iyagoo ka wada hadlaya xaalada Soomaaliya, khilaafka madaxda maamulka Puntland iyo dowladda federaalka,taageerada maraykanka ee dhanka ladagaalanka waxa loogu yeero argagixisada Soomaaliya iyo qodobo kale.
Safiirka Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto iyo Taliyaha howlgalka Africom Gen. Stephen J. Townsend ayaa shalay waxaay tageen Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada waxayna Madaxweynaha Maamulka Jubbaland kala hadleen khilaafka Dowladda & hogaanka Maamulka Jubbaland iyo xaalada ka taagan Gobolka Gedo ayagoo Maantana Gaadhay dhanka Puntland maadaama labadaas Maamul Dowlada dhexe uu Khilaaf mudo soo jiray kala dhexeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here