Madaxweynaha maamulka Puntland oo Tababar u soo Xiray Ciidamo

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Ciidamada kala duwan ee Maamulka Puntland looga baahan yahay inay noqdaan kuwa fuliya sida ay dooneyso Xukuumadda uu hogaamiyo.
Waxa uu sheegay inay jiraan kuwa markii la doonayo in wax la saxo diidan xasiloonida,kala dambeynta iyo nabada,isla markaana jecel in tooda kaliya la raaco aana laga ogolaanayn arintaasi Marnaba.
Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawan Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland uu hoggaaminayo Sarkaal Caan ka ah deegaannada Mamulkaas uu dhowr jeer xirtay wadooyinka ka baxa Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here