Madaxweynaha mamaulka Galmudug oo Baarlamaanka horgaynaya golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Maaml Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ayaa lagu wadaa inuu Golihiisa Wasiirada Cusub horgeeyo Baarlamaanka Maamulkaas si ay codka kalsoonida u siiyaan.
Xildhibaannada ayaa yeelanaya kulan qeyb ka ah kalfadhiga 20-aad ee Barlamaanka Galmudug waxaana lagu wadaa inay Xildhibannada cod u qaadaan si ay u diidaan ama u anisixyaan xukuumadda cusub ee uu dhawaan dhisay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Qoorqoor.
Madaxweynahe Qoor Qoor ayaa khudbad ka horjeedin doona Golaha Wakiillada Galmudug taasoo uu kaga hadlayo arrimo ay kamid yihiin siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo midnimada bulshada ku nool deegaanada maamulkaas.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, wasiirada Cusub, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo Xubno kale ayaa goobjoog ka ahaan doona Kulanka maanta loo balansan yahay,iyadoo aad loo adkeeyay Amniga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug.

17-May-20

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here