Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo laga helay Coronavirus

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Tuwitarka ku shaaciyay in laga helay cudurka Covid-19.
Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga iyo Marwada Koobaad ee dalkaasi laga helay cudurka ayna bilaabeen inay iskarantiilaan .
Dhowaan mid ka mid ah lataliyayaashiisa ugu dhow Hope Hicks ayaa laga helay cudurka Covid-19.
Maalmihii la soo dhaafay madaxweynaha Maraykanka waxaa uu ku jiray olole xoogan oo uu ku doonayo inuu mar kale qabto jagada madaxtinimada ee dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here