Madaxweynaha maraykanka oo doonaya inuu ururka Akhwaanul Muslimiin ku daro liiska argagixisada

Mandatory Credit: Photo by Evan Vucci/AP/REX/Shutterstock (9896574k) President Donald Trump listens as he meets with Japanese Prime Minister Shinzo Abe at the Lotte New York Palace hotel during the United Nations General Assembly, in New York Trump, New York, USA - 26 Sep 2018

Madaxweynaha wadanka Maraykanka Donald Trump ayaa doonaya inuu ururka Akhwaanul Muslimiin ee dalka Masar uu ku daro liiska ururada argagixisada.
Afhayeenka Aqalka Cad, Sarah Sanders ayaa qoraal email ah ku sheegtay “in Madaxweyne Trump uu la tashaday kooxda amniga qaranka Maraykanka iyo hoggaamiyayaasha Bariga Dhexe, kuwaasi oo la qaba arrintiisa ku aadan ururka Akhwaanul Muslimiin”
Haddii ururka Akhwaanul Muslmiinta lagu daro liiska kooxaha argagaixsada, ayaa waxay taasi Washington u oggolaan doontaa inay cunaqabteyn ku soo rogto shaqsiyaadka xiriirka la leh ururka Akhwaanul Muslimiin.
Ururka Akhaanul Muslimiin waxaa Masar laga mamnuucay 2013-kii, markii madaxwyne Sissi uu xukunka ka tuuray madaxweyne Mohammed Morse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here