Madaxweynaha Maraykanka oo gaaray Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump ayaa lagu soo warramayaa inuu tagay aagga militariga ka caaggan ee (DMZ) ee kala qeybiya labada kuuriya.
Waxaa uu halkaasi maanta oo axad ah kula kulmaya dhigiisa kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un .
Waxaa uu qorshuhu yahay in labada hoggaamiye ay is gacan qaadaan, muddo daqiiqado ahna ay wada joogaan, sidi horayba uu bartiisa twitterka ugu caddeeyay madaxweyne Donald Trump.
Bishii labaad ee sannadkan ayay ahayd markii ugu dambeysay ee ay labadan hoggaamiye kulmeen, waxaana kulankaasi oo ka dhacay dalka Vietman gaar ahaan magaalada Hanoi in kastoo uu kusoo dhammaaday is-afgarad la`aan.
Galinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii Trump uu tagay caasimadda Kuuriyada Koonfureed ee Seoul waxaa uuna la kulmay madaxweyne Moon Jae-in kaddib markii uu ka qeyb galay shirkii wadamada ku bahooobay dalladda G20 ee ka dhacay Osaka oo ka tirsan dalka Japan.
Madaxweynaha dalka Koonfurta Kuuriya Moon Jae-in ayaa shaaca ka qaaday in hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu aqbalay casuumaaddii uu u fidiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump taas oo aheyd in uu kula kulmo aagga militeriga ka caagan ee xadka labada Kuuriya u dhaxeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here