Madaxweynaha Maraykanka oo ku dhawaaqay xaalad deg deg ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo ku aaddan cudurka coronavirus.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in amarkaas uu dowladda siin doono si loo helo ilaa 50 bilyan oo doolar oo ah dhaqaalaha loogu talagalay xaaladaha degdega ah.
Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay inuu taageersan yahay dhaqaale cusub oo xaaladda jirta lagula tacaalaya.
Dalka Maraykanka ayaa ka mid ah dalalka uu sida weyn uu sameeyay caabuqa CoronaVirus.
Cudurka dilaaga ah ayaa dalal dhawr ah ku sii fidiya isagoona dilay ku dhawaad 5000 qof .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here