Madaxweynaha Maraykanka oo ku hanjabay inuu iiraan burburinayo

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray in iiraan la burburin doono haddii ay isku daydo inay dagaal la gasho xukuumadda Washington.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Maraykanku uu qaadi doono tallaabada ugu adag haddii Tehran ay weerar ku soo qaaddo danaha dowladdiisa.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitarka ayuu Trump ku sheegay in Iiraan aan laga ogolaan doonin inay u hanjabto Maraykanka.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dowladda Iiraan ay sheegtay inaynan diyaar u ahayn inay dagaal la gasho dal kale hasa ahaate aysan marnaba ogolaan doonin in la daandaansado.
Madaxa ciidamada kacaanka , Xussein Salami ayaa wakaaladda wararka ee FARS ee Iiraan u sheegay in kala duwanaanshaha u dhexeya xukuumadda Tehraan iyo dowladaha kale ay tahay in Iiraan aynan ka cabsan dagaal in kastoo aynan jecleyn.
Waxaa sido kale dareenka taliye sare Salami mid la mid ah muujiyay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan Maxamad Javad Zarif oo hoosta ka xariiqay inuunan rajeynayn in dagaal uu kala dhexeyo dowlad kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here