Madaxweynaha Maraykanka oo loo ogolaaday lacag uu darbi kaga dhiso xadka kala qeebiya Mareykanka iyo Mexico.

US President Donald Trump speaks during a meeting with NATO Secretary General Jens Stoltenberg in the Oval Office of the White House in Washington, DC, May 17, 2018. (Photo by SAUL LOEB / AFP) (Photo credit should read SAUL LOEB/AFP/Getty Images)

Maxakmada Sare ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in madaxwayne Donald Trump uu adeegsan karo lacag gaaraysa $2.5 bilyan oo doolar taas oo uu gidaar kaga dhisi karo xadka koonfureed.
Maxakmada Sare ee Mareykanka ayaa go’aan gaartay iyadoo maxakamada faderaaliga ah ee gobolka California soo jeedisay in Trump laga hor isataago lacagaha uu doonayo in uu darbiga ku dhiso.
Dhisida gidaarka kala qeebinayo dalalka Mareykanka iyo Mexico ayaa kamid ah balan qaadyadii ugu waa waynaa ee uu sameeyay madaxwayne Trump intii uu ku jiray ololihiisii doorasho ee 2016-kii.
Go’aanka Maxakamda Sare ee dalka Mareykanka ayaa ah in la’adeegsan karo lacagaha gidaarka la kaga dhisayo gobolada California, Arizona iyo New Mexico.
Madaxwayne Donald Trump ayaa go’aanka Maxakamda sare ku tilmaamay guul wayn.
Afhayeenka aqalka wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay dhankeeda ku tilmaamtay go’aanka Maxakamada in uu yahay mid Trump loogu ogolaaday in uu xado lacagtii militariga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here